Billowga
Isla durbadiiba, dhowr sano ka hor, Wiilkii aan ahaa baa noqdey nin:
Isla markiibana noloshaydu billaabatey!
Waxa aan arkay adduunka i hor yaalla— Sidaasina
beerqodahaas fardihiisa ag taagan
Dhididsan oo dul taagan daadegga buurta,
Kana soo tegey dhulwebiyeedka
Jeexdinna ka jeexay waadiga hoose,
Arkayana qarka buurta ee u baahan tacab,
Iyo dhagax diixeed lagu afeeyo gudintiisa,
Gugacna cirku ka lusho,
Dushiisuna yahay qar buureed madow, soo fiiqan,
Sugayana iminka.
—Ha tabco haddiiba uu ku dhiirrado!